AHLUSUNNAH LINKS
Ixtifaalka Mowliidka NNK oo si weyn looga dhigay magaalada Stockholm
Maalinimadii Sabtida 19 febaraayo 2011 Kuna beegneed 16 Rabiicul awal 1432
taariiqda hijriga waxaa Magaalada Stockholm ee Caasimadda Wadanka sweden Lagu
Qabtay Mowliidka Nabiga (NNK).



Xafladaan oo lagu qabtay hoolka shirarka tensta tr�ff ee Xaafadda tensta waxaa soo buuxiyay
dadwayne farabadan.

xafladaas oo ahayd mid aad loosoo agaasimay bilic iyo quruxna ka muuqatay waxaa lagu bilaabay

aayado quraan ah oo uu aqriyay Mucalim maxamed (Amiin) Sh. C/Laahi Cali Gurey.



Culumaa,diinka kahadlay xafladda
Mowliidka waxay kala ahaayeen

Sh. Muxyadiin Xassan Ayaanle
Sh.Cusmaan Xaaji
Sh.C/Raxman sh. Muxyadiin
Sh.Daahir Xaaji Cusman
Sh.Muxyadiin maxamed Adan
Sh.Muxyadiin Maxamud Xirsi.


SidooKale waxaa Saliga Nabiga (NNK)
ka qaaday xafladda Culumaa,udiinka kala ah.

Sh. Muxyadiin Mucalim Cali
sh. Shariif Sheekhunaa
Sh. deeq Muxumud Xaaji Cusmaan
Sh. Abshir Cabdi Hilowle
Sh. Bashiir Macalin Maxamed
Sh. Daahir Walde Warsame
Macaalim C/Qadir wadaad yare




Muxaadaradii Ugu horaysay xafladda waxaa soo jeediyey Sheekh Muxyadiin Xassan
Ayaanle Muxaadaradaas oo ahayd mid kooban waqtiga oo yaraa aawadiis ayaa lahayd
tusaalayaal qanciyay goob joogayaashii xafladdakasoo qayb galay.
muxaadaradaan oo ahayd mid lama illaawaan ah ayaa ku reebtay dadkii dhagaysanaayay
dareen iyo saamayn balaaran.
Tusaalayaashii uu soo qaatay shiikhu ayaa waxaa ka mid ahaa inILAAHAY kala fadli badiyay makhluuqiisa sida7 samo,
7 dhul, Umadaha, Ambiyada, Maalmaha, Sanadka, Hameenada iyo Usbuuca. waxaysa umuuqatay
dhamaan arimahan Sheekhu sheegay gogal dhig Su,aal uu sheekhu iswaydiiyay ee ahayd maxaa
waxyaalaha fadliga gaarkaa lasiiyay ee kuwalamidka ah laga fadli badiyay ay kumutaysteen ?
Jawaabihii uu kabixiyay oo dhan dabcan cod ahaan baad uga bagon doontaa balse jawaabta lama
huraankaah ee aan doonayo inaan quraal idinkugu soo gudbino ayaa ahayd tan uu kabixiyay kala
fadli badashada maal maha usbuuca oo maalinta jumcadu ugu fadli badantahay ay ku mutaysatay
sharaftaan dhalashada nabi Aadam Calayhi salaam. Haday saas tahay la,iskuna diidanayn maxaa
diidaya maalinta Nabi muxamed (NNK) ladhalay inay mudantahay xusid gaar ah
asaga oo kafadli badan Nabi Adan Nabad galyo iyo Naxariis korkooda ha ahaatee.


Muxaadaradii labaad waxaa jeediyay Sh. C/Raxmaan Sh Muxyidiin celi oo asagu khudbadiisa
gogalxaar uga dhigay inuu kadhawaajiyo Su aal baahi wayn loo qabay inuu dadka xusuusiyo
Wuxuu yiri inbadan saxaafada waxay soo gudbisaa qof laga gooyay can, lug, carab amaba

dhagax lagudilay ama meel fagaare ah lagutoogtay ayadoo laleeyahay waxaa lafuliyay Qisaas sharci ah

laguna fuliyay jaajuuskamuslimeenta oo uu kumtayastay dilka.
Sheikha yiri horta qofkii latuhmo ama lagubeen abuurto markaan xagga iska dhigno qofkay kucadaato ee qirsan muxuu xugumkiisu yahay.
Wuxuu yiri meel fog loodoonimayo ee jawaabtu waa tii nabi Muxamammad (NNK) uu bixiyay wuxuu sooqaatay furaat ibnu xibaan oo ahaa
sirdoonkii abii sufyaan oo hugaaminayay dagaalkii badar dhanka gaalada oo lasooqabtay sidee nabigu yeelay?
Sidoo kale xaadib ibnu balqacah oo sirta nabiga ee dagaalkii uu ugu socday maka u,direy reer makaad markii lasoohordhigay warqadii uu u,diray
ee uu qirtay sidee uladhaqmay? wuxuuna markaa culumadii madasha joogtay waydiiyay haday ogyihiin meel aykusoo aroortay tiftifka inladilo haday
hayaan wuxuuna kujawaabay waliba islaam ah hala dilo inaysan jirin.
Wuxuu sooqaatay habdhaqanka nabiga nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee tusaale qisooyin kale oo balanka baxa wuxuuna tilmaamay inay
balantahay magan galyada iyo daganaashaha lasiiyo kadibna qaraxa inay tahay balan kabax.


Waxaa ayaguna muxaadarooyin qiima badan soo jeediya culumadda kala ah

Sh. daahir Xaaji Cusman
Ayaa Asaguna kahadlay siiradda Nabiga (NNK) Asagoo Sikooban oo
qodadheer kaga hadlay Aqlaaqdii iyo dhaqankii Nabiga (NNK)

Sh.Muxyadiin maxamed Adan
OO Kahadlay dadka dadka diidan Mowliidka dhaliilna usoo jeediyay
dadka kalana uga diyay fikarkaas sheegana inuu yahay fikir qaldan.

Sh.Muxyadiin Maxamud Xirsi
Ayaa Asaguna kahadlay Waynaynta Nabiga (NNK) iyo Qadarintiisa iyo
waliba maxabadda (NNK) nalooga baahanyahay waynaynta Nabiga (NNK)

Sh.Cusmaan Xaaji Adan
Ayaa dadka usoo jeediyay inay ilaahay baryaan gacmaha kor utaagaan in ilaahay
kaqaado abaarta,colaadda cudurka iyo dhibaatada ku habsatay dadka iyo duunyada






QORMOOYIN DIINI AH