AHLUSUNNAH LINKS
تاريخ الشيخ عثمان حدغ
Magaca Shiikha
Sh. Cusmaan Sh. Cumar Sh. Daa’uud (Sh. Cusmaan Xiddig)
Dhalashada sheekha iyo barbaariddiisii
Sheekhu waxuu ku dhasay meel u dhaw degmada Ceel-dheer ee gobalka Galguduud , Taariikhdu markay ahayd 1942 , wuxuuna sheekhu ka soo jeedaa qoys diineed,xanbaarsan fidinta diinta islaamka , abkowgiis Sh. Daa’uud Culusow waxuu ahaa daaci weyn oo diinta islaamka ku fidiyey Meela badan.
Sheekhu waxuu qur’aanka xifdiyay isagoo 10 jir ah markuu gaaray 11 sano waxuu ujeheystay dhinaca dalabka barashada cilmiga wuxuuna ku biiray ardaydii wax ka baranaysay masjidka al-zaahir ee degmada ceel-dheer hakaas waxaa duruusta ka bixin jiray mudariska weyn raximahul-laahu tacaalaa ahna sheekha adeerkiis sh.Cabdullaahi Sh .Daa’ud
Hadaba sh.cusmaan xiddig , Waxuu halkaasi ka bartay culuumta islaamka iyo luqadda carabiga.
1960 kii sheekhu waxuu u soo wareegay Magaalada Muqdisho , waxuuna wax ka bartay culumadii waqtigaas jirtay kuwoodii ugu waa weynaa oo ay ka mid yihiin:
Sh. Abuubakar sh. Muxyidiin Mucalim Mukaram, Sh. Xuseen Cadde , Sh. Xuseen Sh. Muxamad , Sh. Axmad Bayruut Al-harari , iyo mashaa’ikh kale , Culimada uu ka qaatay Ijaasada Cilmiga Xadiiska waxaa ka mida ah:
Sh. Muxamad Axmad Maxmuud (Sh. Abba) iyo Sh. Sh.Maxamad nuur Sh. Ibraahim Macalin Siraaj.
Sheekha waxa uu si wayn u bartay Culuumta ay ka mid ka yihiin Axkaamta , Usuulka , Axaadiista, Tafsiirka iyo Culuumta luqada carabiga ee kala gedgedisan , Kadibna waxuu u leexday dhanka Cilmiga Tasawufka waxuuna ka qaatay ijaasada Dariiqada Axmadiyada Adeerkii Sh. Axmad Sh. Daa’uud oo isna ka qaatay Sh. Muxamad Sh. Cali Maye oo isna ka qaatay aabihii Sh. Cali Maye oo isna ka qaatay Sh. Xasan Mucalim oo isna ka qaatay Mowlaanaa C/raxmaan oo isna ka qaatay Al-sayid Sh.Axmad bin Idriis oo ah aasaa saha Dariiqada Axmadiyada,dhamaantood naxiirstii janno alah ka waraabiyee . kadibna Waxaa Sheekha loo idmay inuu faafiyo dariiqada Tarbiyeeyana Ardayda ama (Muriidiinta).
Howlaha uu qabtay iyo kutubada uu qoray
Sheekhu waxuu u laabtay Todobaatameeyadii qarnigii la soo dhaafay degmadda Ceel-dheer, waxuuna halkaas ka sii anbaqaaday sare uqaadida barashadda diinta islaamka oo halkaasi horey uga socotay wuxuuna wax baray kana aflaxay arday badan .
.
Sheekha marka laga soo tago wax barida waxuu qoray kutubo badan oo la xiriiro Culuumta tasawufka , Taariikhda , Axkaamta iyo Mawduucyo kale, kutubaas qaar waxaa lagu daabacay dalka guduhiisa iyo dibaddiisa.
Waxaa ka mida ah ku tabada uu qoray Sheekhu kitaabka la yiraahdo (Iqnaacul Mu’miniin) oo uu uga hadlay banaanaashada in la barakaysto dadka suusuuban Waxaa kaloo ka mida ah kitaabka la yiraahdo ( Al- minax Al- wahbiyyah) oo uu uga hadlay dhibaatada qabyaaladda.
In badan oo ka mida ah kutubata sheekha waxaa lagu faafiyay websiteyo Caalmi ah oo qofkii rabaa uu ka daalacan karo.
Sheekhu waxuu kaalin wayn ka qaatay Maxkamadii Islaamiga ahayd ee laga dhisay sagaashameeyadii Bariga Muqdisho Asagoo Ahaa ku xigeenka labaad ee gudoomiyaha Golaha sare ee dhaqan gelinta shareecada islaamka isagoo mas’uul ka ahaa qeybta cadaaladda , waxaa kaloo uu kaalin ka soo qaatay Golaha sare ee Culumaa’u diinka Ahlu sunna wal-jamaaca , asagoo madax ka ahaa Guddiga Jawaabaha diiniga ah iyoweliba Cilmi baarista , Walina Sheekhu waxuu u taagan yahay fidinta diinta islaamaka iyo hanuuninta dadka isagoo naftiisa iyo maalkiisa ku bixiya koryeelida Xaqqa iyo Baabi’inta baadilka.
Waxaan leeyahay turaaskiisa alah nugu anfaco isagana caafimaad &cimri dheer iyo cibaado suuban alah siiyo
Aamiin


QORMOOYIN DIINI AH