AHLUSUNNAH LINKS
Kitaab ka hadlaaya siirada rasuula oo dhawaan lasoo saaray

Kitaab loogu magacdaray al-alfiyatul maqdasgiyah fii siirati kheyri bariyah oo ka hadlaaya siirada nabigeena suuban S.C.W ayaa dhawaan lasoo saaray.

Kitaabka oo ah qasiido ka kooban 1000 beyd oo ka hadleysa dhamaan dhinacyada siirasuulka ayaa waxaa alifay sheikh c/naasir cali xueen.

Kataabka oo lagu tilmaami karo midkii ugu horreeye ee nuuciisa ah oo lagu sameeyo muqdisho ayaa waxaa si weyn uga hadlay dad ahlul cilmiga oo uu soo jiidday kitaabka.

Fadiilatu sheikh c.naasir cali xuseen oo ah qoraaga kitaabka ayaa waxaa uu ku howlanyahay inuu u sameeyo sharax si faa’iidadiisu u balaarato.


QORMOOYIN DIINI AH