AHLUSUNNAH LINKS
Kitaabka minhaajka oo loo aqoonsaday kan ugu wanaagsan in laxifdiyo fiqhiga shaaficiyada
Websate laga leeyahay mid kamida dalalka carabta oo falanqeeya arrinaha fiqhiga ayaa dhawaan ka hadlay kitaabada fiqhiga shaaficiyada midka ku wanaagsan in laxifdiyo.

Dadka fikradaha ka dhiibanaya falanqeynta ayaa diiradda saarayay dhowr kitaab oo fiqhiga shaaficiyada si weyn loo cuskado.

Kitaabada sida weyn loo soo qaadanaayay ayaa waxaa kamid ahaa kitaabka minhaajka oo uu leeyahay imaamu nawawi allaha raali noqdee iyo kitaab kale oo layiraahdo al-irshaad.

Mid makida dadkii flanqeynta ka qeyb qaadanaayay ayaa daaha ka qaaday inuu weydiiyay ardayda sheikh caalim ah oo lagu magacaabo heytoo waxa uu sheekhooda ku waaniyo inay xifdiyaan minhaajka mise irshaadka taas oo ay ku jawaabeen in sheekhoodu ku taliyo in laxifdiyo kitaabka minhaajka oo ahmiyad weyn ku leh madhabka shaaficiyada.

Qofkii ka qeyb qaadanaayay falaqeynta oo wali hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sh. Osman sh. Omar sh. Da’ud oo ah caalim soomaaliyeed ardadiisa ku xifdiyo kitaabka minhaajka.

Waxaa xusid mudan in caalimka weyn ee soomaaliyeed fadiilatu sheikh osmaan xidig oo horay u a baabulay in lasoo nooleeyo wadadii ay mari jireen culimadii hore.

Sh. Osman xidig ayaa ardadiisu bilaabeen xifdinta kitaabka minhaajka oo laga gaaray guulo waaweyn.

Waxaa fududeeyo in laxifdiyo kitaabka minhaajka culimada oo galisay juhdi aad u balaaran iyagoo u sameeyay aayado iyo juzaz si loogu subciyo.

Ardada sh. Osmaan xidig iyagoo ku subcinaaya kitaabka minhaajka ayaa waxaa laga heli karaa webka loo yaqaano youtobeka


QORMOOYIN DIINI AH